| | |
|
| |
| |
| |
 |  |  |  |
 |
C/Qadir Cismaan "Aroma" (1953 - 2014)
Shakhsiyaadkii Soomaali ka geeryooday sannadka 2014ka waxa aannu ka xusi karnaa abwaankii, taariikhyahankii, geesigii, iyo qoraagii Soomaaliyeed ee Cabdilqaadir Oromo oo geeridiisii albaab dhaxan badan innagu bannaysay. Wuxuu afkiisa iyo qalinkiisaba ugu hiiliyey xaqa, wuxuuna ahaa geesi aan ka xishoon runta, beenta iyo wixii gaadiidsadana aad u neceb. Dhaxal mug leh oo qoraal u badan ayuu ummadda afka Somaliga ku hadasha uga tegey. Alle naxariistiisa ha ku maansheeyo walaalkay C/Qaadir Oromo, Aammiin. |
|  |
 |  |
 |  |  |  |
|
| |
|
| |
| |
| |
|
| |
| |
| |
| |
Haddii dunida lagu waarayooy daa'in noqonayso Asaxaabihii baan degeen laysu soo diraye Daahaa ku noolaan lahaa degelladiisiiye.
Dad iimaan leh baynu nahay oo Ilaahii raxiimka ahaa ee Cali Banfas oofsaday baannu qaddartiisa raali ku nahay. Geeridu waa xaq midbase tan kale ka xanuun kulul ee ma nin iyo baa naga dhintay!! Markii rag kala hadhay ee la isu badheedhay iftiin Ilaah noogu deeqay oo eray iyo ficilba astaan noo noqday buu ahaa. Ilmadii indhayga ku soo joogsatay waxan ku ooday "Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun". Geeri xaq ah buu dhintay waalaalkeen Cali Banfas ee wixii uu naftiisaa maanta baxday biime kuu geshay, maanta ayuu kuu baahan inaad Eebbe denbidhaaf uga tuugto. Ilaahoow cadaabtaada ka nabad geli. Ilaahoow u naxariiso walaalkay Cali Xasan Aadan. Aammiin, Aamiin, Aammiin. |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| | |
| |  | |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
|
| |
|
| |
| |
 |  |  |  |
 |
|
|
| Filasho wacan: Xuseen Xasan, Gabayxoog, Digaale Jaamac & more |
|  |
 |  |
 |  |  |  |
| |
| |
| |
|
| |
| |
 |  |  |  |
 |
| Idaajaa oo Idaacaddda VOA-da u beddelay Radio "Daarood" |
Ciilkama-kore A. Faarax Idaajaa wuxuu, sidii caadada u ahaan jirtey, idaacaddii caalamiga ahayd ee VOA-da u rogey hoy qabiil. Barnaamijka idaacaddaasi ugu talo gashay Suugaanta Soomaalida ayuu shakhsigani u beddelay barnaamijka "Dhaqanka & Suugaanta Daarood". (Halkan Riix) |
|
|  |
 |  |
 |  |  |  |
| |
| |
 |  |  |  |
 |
| Idaacadda VOA oo isu beddeshay Radio Muqdisho: Al Ustaad Rashiid Jama |
 |
| Waa Al Ustaad Rashiid Jaamac oo saxaya taariikhda ay idaajaa iyo colkiisu ka been abuurteen isla markaana taxaya dhacdooyin xiiso badan oo qaarkood kaa yaabinayaan. Sawirka kore waa ninkii la odhan jirey Richard Corfield , oo Soomaalidu Koofil u taqaan, oo hub u qaybinaya 300 oo nin oo Dhulmahante ah si ay ula dagaallamaan Daraawiishtii ay wateen Xaaji Firxad(Hawiye) & Xaajis Suudi (Hj) oo geel Dhulmahante lee yahay ka dhacay Dulmadoobe. (Riix Halkan) |
|
|  |
 |  |
 |  |  |  |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
 |  |  |  |
 |
CODSI: Haddii aad hayso gabaygii 2aad ee Dheeg ugu jawaabay Khaliif Sh Muxumad fadlan noo soo tebi adigoo mahadsan. Gabaygu waa naga qabyo waana kan ka bilaabma; Murtida iyo macnaa gabayga iyo muunaddiyo luuqda. |
|
|  |
 |  |
 |  |  |  |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
 |  |  |  |
 |
Caruurtii rasuulkaanu nahay, laysma caasiyo e Ina ashraafta lala caytamaa ,waaba caariyo e Ogaadeen hadduu carabyahay, iyo culimadii baydka Oon caade-qaatiyo, sab, iyo caydhxun laga beerin Isba cawraduu qarin lahaa, ceeb hadduu garane. Ismaaciil Xayd Xirsi (aflow)
|
|  |
 |  |
 |  |  |  |
| |
| |
 |  |  |  |
 |
| CismaanGabyaaye | Doqontii Cagdheer een ogeyn, dabinka loo qoolay Dersin Ina Siyaad kuu dhigiyo, damac ku soo qaadye Haddaad diiddo waagii dhurwaa, kuma daliigeene Ka durduurta dhiiggiinnu waa malabki doocaane. Daarood xumaan lagu arkaa, loo deldelayaaye Inkastood diyaafad u dhigtoo, malab durduursiiso Dabcigooda anigaa bartay, oo deris ma yeeshaane Duqaydiyo kan diinta u hayaan, daacadda aqoonne Waxan dab iyo baaruud ahayn kuma dawoobaane. |
|
|
|
|  |
 |  |
 |  |  |  |
| |
| |
 |  |  |  |
 |
| Samatar Dakharre | Jawaabtii Silsiladdii Maruuryo
Waa waxaan cilmiga dawladnimo, caarif ku ahayne Waa waxa calaacala intay, laba canleeyaane Waa waxan caddaalada aqoon, cuna wax mooyaane Caqligoodu waa fooraraa sida cabiideede. Majeerteen cawaan buu noqdiyo, caano galabeede Candadowlme shaydaanna waa,, sii calminayaaye Sidii calako lala guursaday, oo camal wareereene Ma Cayuun harraadoo kalaa, caban ogaa duulku |
|
|
|
|  |
 |  |
 |  |  |  |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
 |  |  |  |
 |
Hoygasuugaanta waxa sharaf u ah inaannu idinla wadaagno codkii Jaamac Xirsi Dubbe oo ahaa ninkii ugu horreeyey ee ka jawaabay tixdii Cali Dhuux ku bilaabay silsiladdii Guba ku caanbaxday. Jaamac Xirsi oo muddo 40 sannadood ka hor ah isagoo da' ah laga duubay codkan ayaa ka dhigaysa ninka keli ah ee codkiisa laga hayo ka qaybgalayaashii silsiladdaa. Mahadi ha ka gaadho ninka cajaladdan ka duubay abwaanka oo ah nin magac weyn ku leh noolaynta Suugaanta Soomalida. La soco qaybo kale oo ka mid ah codka Jaamac Xirsi Dubbe. Ha Illaawin inaad abwaanka u ducayso wixii aad suugaan haysona ha nagala bakhaylin ee noo soo tebi si aan u baylah tirno. Mahadsanidin.
|
|  |
 |  |
 |  |  |  |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| |
| | |
| |
| |
|
| | Ma haysaa gabayo naga maqan? Fadlan halkan noogu soo tebi | |
|
|
Comments
Post a Comment